Andrea Pirlo

kooxha kubadda cagta ee Manchester City iyo kooxda Chelsea ayaa isku haysta sidii ay u soo xiro galin lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee xulka dalka Talyaaniga iyo kooxda Ac Milan Andrea Pirlo.

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegay in kooxda ay siweyn u doonayso Pirlo inay keento horyaalka dalka Ingiriiska, waxaana uu intaas ku daray in ay kaga guulaysan doonaan kooxda Chelsea oo uu sheegay inay kula tartamayaan.

Mancini ayaa sheegay in ay ka faa`idaysanayaan khilaafka la sheegay inuu soo kal dhexgalay kooxda Milan iyo Pirlo, isagoo Pirlo uu diiday inuu sii joogo kooxda Ac Milan.

Xiddigan 31jirka ah ayaa sidoo kale ay kooxda Chelsea sheegeen inay doonayaan sida uu maanta sheegay tababaraha kooxda Chelsea Carlo Ancelottioo tilmaamay inuu kooxda wax weyn ku soo kordhin doono haddii uu yimaado.

Andrea Pirlo ayaa lagu tilmaamaa xiddigaha caalamka mid ka mid ah ee khadka dhexe ka ciyaara, isagoo kooxda uu haatan la joogo ee Ac Milan uu soo hooyay guulo farbadan, laakiin lama oga halka uu sal dhigan doono mustaqbalkiisa.

Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo
Andrea Pirlo

LinkWithin

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...